Excessive use of social media is a serious threat to Somalia's recovery





Isticmaalka badan ee baaraha Bulshadu wuxuu halis ku yahay dib u Soo kabashada Dalka Soomaaliya
______________________________
Isticmaalka badan ee baaraha Bulshadu wuxuu halis ku yahay dib u Soo kabashada Dalka Soomaaliya (Excessive use of social media is a serious threat to Somalia's recovery)

Waa Maxay Baraha bulshada )Social media) ?

 Baraha bulshadu waa hab bulshada loogu gudbiyo warar, maqaalo , qoraalo , aqoon , khudbado , afkaar  madadaalo  ku waas oo lsgu Soo gudbiyo hab muuqaaleed , have qoraaleed kuu Soo dhexmara aalado bulshadu ku xiriirto si fariintani u gaadho bulshada oo dhan.

 Madaama arintu sidaa tahay waxaa muhiim ah in habkan loo sameeyo sharciyada iyo qawaaniinta lagu hagu si aaney u lumin muhiimadda afkaarta iyo macluumaadka togan ee u gudbaya bulshada loona xakayeeyo dhibaatooyinka it akhalaaqda xun ee bulshada u gudbiysa.

Isticmaalka baraha bulshada ayaa sanadadan dambe xawli badan ku socda , bulshada adduunka ayaana siyaabo kala duwan u adeegsata waddamo badanna waaba laga joojiyey markii la arkay halistiisa iyo khatarta uu leeyahay sida wadamada Tussia , Masar , kuuriyada waqooyi , China iyo kuwo badan oo kale .

Adeegsiga baraha bulshada ayaa hadda noqday awoodaha ugu waaweyn oo laysu adeegsan Karo xiliyada dhacdooyinka loogana  falcelinyo qaab taban iyo qaab toganba taasoo abuurta jawiyo xasaasi ah oo kacdoon badan oo bulsho dhalisa taasoo aad mooddo in lagu duminayo Dowladda, shakhsiga amaa kooxba , xakameynta arintan ayaan Dowladda Gacanta ugu jirin waana Arin dhalinkarta in Dal lagu dumiyo.

Barahan bulshada ayaa waxaa adeegsada dad can ah oo bulsho badan ku xidhan tahay kuwan ayaa marmar badan bartooda ku Soo gudbiya arimo xasaasi ah oo kacdoon bulsho dhalinkarta halisna gelinkara waddanka , haddiiba khalad yari dhaco waa mid aan la xakameynta Karin oo si  isku mid ah looga falanqoodo.

Baaraha Bulshadu waa kuwo loo adeegsan Karo labo dhinac mid good ama dhinac taban ama dhinac togan , marka  la hal-abuuro war been abuur ah ( fake News ) waa fariin bulshada si fudud ku gaari karta waana fariin lagu burburin Karo Dowlad , koox ama shakhsi taasoo lagu doonayo in sumcadda looga dilo Qofka, Dowladda ama kooxba la dooonayo in hoos loogu dhigo sumcadda ay leeyihiin ( lose credibility ).

Waxaa jiro warbaahinno badan oo  gudbiya fariimo qoraaleed, muuqaalo iyo codadba oo bulsho tiro badani ku xidhan tahay oo tebinaya warar been abuur ah oo  lagu Marin habaabinayo bulshada ku Waas oo ku saabsan Dowladda looguna yeelayo goldaloolooyin aan jirin laakiin laga dhigayo wax jiro oo xaqiiqo ah .tusaale haddii meeli gubato ka mida Goobaha bulshada waxaad arkeysa " warbaahin odhaneysa arintan waxaa ka dambeyey Dowladda"

Qofkasta oo la mid ah bulshada soomaalida wuxuu samaystay bar bulsho oo uu ku Soo gudbiyo wixii maskaxdiisa ku Soo dhaca waxaad arkaysa kuwo live ku jira oo maagaya Dowladda kicinaya shacabka farayana inay  kacdoon sameyeyaan xataa baraha bulshadu waxay noqotay meel lagu taageero falalka xag jirka ah.

Dowladda Soomaaliya waxay xaq u leedahay inay yareyso isticmaalka baraha bulshada ama meeshaba ka saarto , haddii aad fiiriso Dowladaha awoodda leh waa kuwo Gacanta ku haya Internet-ka waddanka , waxayna awood u leeyihiin inay xiraan wakhtiyada xasaasiga ah .

Waddankasta Markii aan akhriyey warbaahintiisa waxay leedahay shuruuc iyo qawaaniinta loo dejiyey in lagu xakameeyo waxaana laga hortaga duminta waddanka ama shakhsi , koox taasoo lagu ciqaabo markii laga lataabsado sharciga oo wax yeelayn la geysto, waxaan akhriyey Xeerka Saxaafaddda Soomaaliya , Puntland , Soomaalind  gidigood waxay ka siman yihiin in la dhowro qawaaniinta iyo shuruucda Dalka haddii lagu xad gudba ay ka ratimmeyso ciqaabo lagu mutaysanayo dhaafidda iyo jebinta sharciga Xeerka Saxaafaddda . Inkastoo aaney isku mid ahayn baraha bulshada iyo warbaahinta caadiga ahi laakiin waxay ka siman yihiin siiqada wax gudbinta iyo kanaaliska , weliba hadda warbaahintu waa mid isticmaasho barshaha bulshada sida facebooka pages.

Waxaa waddanka internetkiisa Gacanta ku haya shirkaddo gaar loo leeyahay oo bixiya Internet-ka , ma ahan wax Dowladdu awood u leeWaddankasta Markii aan akhriyey warbaahintiisa waxay leedahay shuruuc iyo qawaaniinta loo dejiyey in lagu xakameeyo waxaana laga hortaga duminta waddanka ama shakhsi , koox taasoo lagu ciqaabo markii laga lataabsado sharciga oo wax yeelayn la geysto, waxaan akhriyey Xeerka Saxaafaddda Soomaaliya , Puntland , Soomaalind  gidigood waxay ka siman yihiin in la dhowro qawaaniinta iyo shuruucda Dalka haddii lagu xad gudba ay ka ratimmeyso ciqaabo lagu mutaysanayo dhaafidda iyo jebinta sharciga Xeerka Saxaafaddda . Inkastoo aaney isku mid ahayn baraha bulshada iyo warbaahinta caadiga ahi laakiin waxay ka siman yihiin siiqada wax gudbinta iyo kanaaliska , weliba hadda warbaahintu waa mid isticmaasho barshaha bulshada sida facebooka pages.

Waxaa waddanka internetkiisa Gacanta ku haya shirkaddo gaar loo leeyahay oo bixiya Internet-ka , ma ahan wax Dowladdu awood u leedahay  in ay xakameyso laguna qaadi Karo dembi haddii ay galaan khalad iyo dembi , shrkadaha internetka ay bixiyaan ee Bulshadu isticmaasho, shacabka in badan baa u baahan in la baro (social media ethics) akhalaaqda suubban ee adeegsiga baraha bulshadu waa muhiim Wana kuwa adduunka lagu dhiso oo wixii fiican lagu gudbiyo.

Waxaan Soo jeedin laha qodobadan Soo socda.

1. In bulshada la baro habka adeegsiga akhlaaqda suubban ee baraha. Bulshada ( social media ethics) waana muhiim in qofku xaq dhowro ku cad gudubka shakhsiga , koox it dowladdaba.

2. Waa in shirkadaha isgaarsiintu dejiyaan xeer hoosaad lagu xakameynayo in isticmaalka Xoogga badan ee baraha bulshada , qofkuu cad gudubka sameeyana in shirkadda iyo dhaqan celin loo sameeyo.

3. Waa in dowladdu si rasmi ah u xakameyso xawliga isticmaalka baraha bulshada ee lagu duminayo  Dowladda , kicinta bulshada  , waana in lagu ciqaabo qofkii ku xad gudba qof , koox ama dowladdaba , taas macnaheedu ma ahan in free qofkasta noqdo isaga oo bulshada dhexdeeda halaynaya wax, waana in la sameeyo Xeerka adeegsiga baraha bulshada si akhlaaq leh ( social media ethics policy)

4. Waa in la hubiyo warbaahin kasta inay haysato shaqaale u tabo baran oo ka bixi Kara gudbinta war masuuliyadi ka muuqato , ama bartay akhalaaqda warbaahinta ( Journalism Ethics) ha ahaado warbaahinta madaxa bannaan ama kuwa dowladdaba.

5.  Xeerka warbaahinta oo  sheegaya inuu qofku secondary dhameysto  marka uu Saxaafadda ku biirayo waa in la gaarsiiyo heer  Jamacadeed si  aaney warbaahintu u noqon meel qofkasta oo an waxba aqooni uga qayb noqonkaro Saxaafadda. Waayo Saxaafaddu waa mid wakhtiguna  u baahan masuuliyadi  badan , ku dhaqanka sharciga iyo ka qayb noqoshada dhisidda waddanka hooyo.wana  in la fahmo in qof kasta masuuliyadi ka saaran tahay dhisidda waddankiisa , bulshadiisa iyo diintiisa.

W/Q: Barre Adaani Issa

Comments

  1. Mzhashaa allah allah adeer hore usoco alle cilmiga iyo caqliga iyo cfmdka hkuuu siyadsho

    ReplyDelete

Post a Comment

Popular posts from this blog

Wax ka ogow faaidooyinka laga helo social media-yaha lacagna looga sameeyo

Guriga Farsamada, Aabbo Maxamuud Siciid Qaarey (Seashell Artwork Man )

Aan Dib u eegno Heshiiskii DPWord ( P&O) ee Dekedda Bosaso Maxa khaldamay maxaase Saxmay!!