Soomaaliya Markasta Waxay u baahi Qabta Muwaadin Soo Bandhiga Bilicdeeda si ay ula Tartanto Waddamada Adduunka.
Maalinta Sawirka Adduunka( World Photography Day )
Sawirku wuxuu u qalmaa in ka badan kun eray; waa hab lagu muujiyo Quruxda , xumaanta , Wanaagga iyo Xumaantaba sidoo kale lagu muujin karo dareen Murugo , dareen farxadeed intaba iyo
Sawirku wuxuu awood u leeyahay inuu qabto dareenka, fikradaha, khibradaha, daqiiqado waqtigiisu jiro, oo aan weligiis la iloobin, Oo sidii ay si dhakhso leh ugu gudbi karto tilmaamahan, mararka qaarna uga waxtar badan ereyada, waxay noqotay mid ka mid ah hababka ugu muhiimsan ee isgaarsiinta adduunka lagu kala dareen , cabbir , tusaale iyo aragti buuxda lagu muujiyo.
Sawirka oo Adduunka Qiimo ugu fadhiya waxaa muhiim an in lagu muujiyo waxkasta oo togan marka la rabo in laga tusaale qaato quruxda Waddan iyo bilicdiisaba .
Soomaaliya waa Waddamada ugu baahida badan in la muujiyo Quruxda bilicda iyo dhulka dabeeciga ah iyo kuwa tusaalaha quruxda taariikheed xanbaarsan , Dalka Soomaaliya ayaa ka bilic iyo dhul qurxoon waddamo badan oo Adduunka ah .
Weriye Maraykan ah oo Waddama Adduunka Socod ku soo maray ayaa mar uu soomaaliya Documentary ka diyaarinayey dhahay " Soomaaliya waa waddanka ugu Quruxda iyo bilicda badan laakiin dadkiisu ka soo gudbiyo arimo foolxun "
Inkastoo ay Ammaan Mudan yihiin walaalaha Sawirqaadayaasha ah oo waayaddii dambe u tafaxaytey sidii ay u soo bandhigi lahaayeen quruxda Dalka Hooyo waxaan leeyahay waa ku mahadsan tihiin laakiin Dalkeennu markasta wuxuu u baahan yahay in Quruxda iyi Bilicda uu leeyahay lamuujiyo si aan tarsan ula galno Waddamo inaga horeeyya.
Dalkeenna Hooyo waa Waddan Qurxoon , Bilicsan oo Waddamo badan oo Adduunka ka mid kaga horeyya arimo badan .
Xuquuqda Sawirka hoose : Abdullahi Mohmed
Goobta sawirka : Garacad Mudug
Designka iyo qoraalka: Barre Adaani Issa
W/Q: Barre Adaani Issa
La wadaag Saaxiibadaa ( Share)

Comments
Post a Comment